Madaxweynaha Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Midiwga Yurub Iyo Shiinaha “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo safiirrada cusub ee Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann iyo dowladda Shiinaha Mudane FEI Shengchao.

Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub Marwo Tiina Intelmann ayaa Madaxweynaha la wadaagtay dadaalka ay ku bixin doonto adkaynta xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhexaya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyada oo bogaadisay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidammada, dhaqaalaha, deyn cafiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Intelmann ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Midowga Yurub ay siiyaan Soomaaliya iyo sidii loo dardargelin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, isaga oo u xaqiijiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududayn doonto gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo igmaday.

Dhankiisa, Danjiraha  Cusub ee Dowladda Shiinaha Mudane FEI Shengchao oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dalkiisa Mudane Xi Jinping ayaa soo bandhigay in uu si buuxda uga shaqayn doono xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ku dhisan iskaashiga, dheef wadaagga iyo is-ixtiraamka qarannimo, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Danjiraha Cusub ee Shiinaha ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay, ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...