RW Rooble oo shaqada ka joojiyey Fahad Yaasiin Agaasime cusub-na u magacaabay NISAย 

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo ka-joojin ku sameeyey agaasimaha hayโ€™adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Raโ€™iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilka Agaasimaha hey’adaas ugu magacaabay Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).ย 

Bashiir Goobe ayaa sidoo kale mar soo noqday Taliyaha NISA, sanadihii 2013 illaa 2014-kii, xilligaas oo dalka uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida ku cad war-saxaafadeedka Raโ€™iisul Wasaare Rooble ayaa Fahad Yaasiin ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah uu xilka ku wareejiyo Taliyaha cusub Bashiir Goobe.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha waxaa lagu cadeeyey in qoraalkii uu Agaasime Fahad ka soo saaray kiiska Ikraan Tahliil uu muujinayo inuu ka madax-adeegay amarkii raโ€™iisul wasaaraha ee ahaa inuu warbixin buuxda ugu soo gudbiyo muddo 48-saac gudahood ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale