MADAXWEYNE FARMAAJO OO SALAADDA JANAASADA KU TUKADAY ALLE HA U NAXARIISTEE MARXUUM MAXAMED CUMAR SAALIXI

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka ku tukaday salaadda janaasada ee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo lagu aasay Qabuuraha Sheekh Cali Suufi ee Degmada Warta Nabadda.

Marxuumka oo ahaa halyey ku suntanaa dal-jacayl, hawl-karnimo iyo waddaniyad, ayaa door weyn ka soo qaatay difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isaga oo ka tirsanaa, laf-dhabarna u ahaa Guddiga Qaran ee Difaaca Baddeenna.

“Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cumar Saalixi waxa uu ahaa khabiir ku takhasusay maababka badaha iyo dhulka, isaga oo aqoontiisii iyo waayo aragnimadiisii uga faa’iideeyey difaaca baddeenna. Waxa uu ahaa shaqsiga soo ururiyey wixii maabab iyo heshiisyo ahaa ee ku saabsan baddeenna, kuwaas oo inaga lumay xilligii burburka.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo masuuliyiinta kale ee Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Janaasada Marxuum Maxamed Cumar Saalixi waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubno ka tirsan Goleyaasha Wasiirrada, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo Kormeer shaqo ku tagay Wasaaradaha Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Dalka oo Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka 7-aad...

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo gaba-gabeeyay Toddobaadka Qaran ee Dhir-beerista

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka...

Ciidanka Xoogga oo deeq raashin ah gaarsiiyay dadka abaartu ku saameysay degmada Raaga Ceelle

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay...