Booliska NewZealand oo toogtay nin weerar geystay oo ay ku sheegeen inuu ahaa argagixiso

Date:

Ra’isul Wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa xaqiijisay in boolisku ay dileen nin ay ku sheegtay inuu ahaa argagixiso ka tirsan ururka Daacish, kaas oo toorey ku weeraray dad ka adeeganaya dukaan ku yaalla magaalada Auckland, kaas oo dhaawac u geystay lix qof.

Seddax ka mid ah lixdaas qof dhaawacooda waxaa la sheegay inuu yahay mid halis ah.

Ra’isul Wasaare Ardern ayaa sheegtay in falkaas uu ahaa weerar argagixiso, iyadoo sheegtay in ninkani uu ahaa muwaadin u dhashay SriLanka, isla markaana ay weerarkaan ku dhiirigalisay Argagixisada Daacish.

Sidoo kale R/Wasaare Ardern, waxay sheegtay in ninkaas ay horay xogtiisa u hayeen laamaha ammaanka oo shaqsiyan ay mar hore soo gaartay warbixintiisa, laakiin aysan jirin sifo sharci ah oo lagu xiro.

“Haddii uu samayn lahaa wax noo oggolaan lahaa inaan xabsiga ku tuurno, wuxuu ahaan lahaa maxbuus xilligan,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Ardern.

Taliyaha booliska magaalada weerarku ka dhacay Andrew Coster oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Kooxda dabagalka booliska iyo kooxda sida gaarka ah u tababaran ayaa ninka ka soo raacay gurigiisa ilaa dukaanka, iyagoo markii hore u maleynayay inuu dukaanka ka soo adeeganayo. Balse Dukaanka ayuu soo galay sidii caadiga aheyd ee uu hore u sameyn jiray, laakiin wuxuu midi ka soo qaatay isla dukaanka dhexdiisa.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...