Tababaraha Juventus oo Ka hadlay tagitaanka Ronaldo

Date:

Tababaraha kooxda kubadda cagta Juventus Massimiliano Allegri ayaa ku dhawaaqay warkii dunidu u dheg taagaysay ee Cristiano Ronaldo iyo xaqiiqada Ku aadan in uu ka tegayo kooxda Juventus.

Allegri oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in maalintii shalay ee Khamiista aheed uu Cristiano Ronaldo si cad ugu sheegay in uu ka tegayo kooxda Juventus, isla markaana ay kooxdu u ogolaatay.

Tababaraha kooxda Juventus ayaa yiri: “Cristiano Ronaldo shalay ayuu ii sheegay inuu si degdeg ah uga tegayo Juventus. Waa run waana xaqiiqo. Tani waa sababta aanu maanta u qaadanin tababarka, mana ciyaari doono kulanka berri ee Empoli.”

Tababaraha oo hadalkiisa sii wata, ayaa yiri: “Anigu kama niyad-jabsani Cristiano Ronaldo. Waxa uu doonayaa inuu tago, doorashana wuu sameeyey. Waxa uu doonayaa koox kale kaddib saddex sannadood oo uu halkan joogay. Waa qayb nolosha ka mid ah.”

Xiddiga reer Portugal ayaa saaka tegay xarunta tababarka Juventus xilli ay ciyaartoydu ku sugan yihiin, waxaana uu kusoo macasalaameeyey ciyaaryahannada iyo shaqaalaha tababarka.

Laacibkan ayaa kusii jeeda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la sheegayaa in uu laba sannadood oo heshiis ah u saxeexayo Manchester City.

Ronaldo oo Juventus ay 105 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Real Madrid xagaagii 2018 ayaa waxa uu go’aansaday inuu ka tago Turin saddex sannadood kaddib, waxaana kaliya la sugayaa inta ay Man City sida rasmiga ah ugu dhawaaqayso heshiiskiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...