Wasaaradda A/Dibadda oo war ka soo saartay wadatashiyada la xiriira siyaasadda qaran ee qurbajoogta

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa bogaadiyay habsami u socodka hannaanka wadatashiga si loo dhameystiro Siyaasadda Qurbajoogta Qaranka Soomaaliyeed.

Lataliyeyaal iyo xirfadlayaal ka tirsan Waaxda Qurbajoogga, taageerana ka helayay Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM), ayaa kulan wadatashi ah waxa ay 3 bishan August la yeesheen 13 Wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo arrimaha qurbajoogta ay khusayso, waxa ay sidoo kale shir ku qabteen isla 21 bishan August Magaalada Beydhabo , oo ay latashiyo la sameeyeen qurbajoogta kala duwan ee dib ugu soo laabtay Dowlad goboleedka Koonfur galbeed, iyadoo la uruuriyay aragtidooda ku aaddan siyaasadda qaran ee qurbajoogta.

Agaasimaha Waaxda Qurbajoogga, Mudane Maxamed Ibraahim Cawaale, ayaa sheegay in kooxdiisu ay sii wadi doonto kulammada wadatashiga ee ay la yeelanayaan dhammaan qurbajoogta Soomaaliyeed ee kala duwan ee soo laabanaya iyo dadka saamaynta bulshada ku leh, oo ay ka mid yihiin culimada, haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, aqoonyahannada iyo ururrada jaaliyadaha, ayna safarro ku kala mari doonaan dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka sida Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Jubbaland iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay uruurinaysaa aragtiyada kala duwan ee dhinacyada wadatashiga lala sameeyay iyo kuwa lala yeelan doono si siyaasadda qaran ee qurbajoogta u noqoto mid dhinac kasta ka dhammaystiran kahor inta aan la hordhigin Golaha Wasiirrada oo falanqeyn kadib ku soo saara oggolaansho rasmi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...