Akhriso: War-saxaafadeed laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka

Date:

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shir labadii maalmood ee lasoo uga socday magaalada Muqdisho, kaasi oo heshiis looga gaaray habraacyada doorashooyinka dalka.

War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7-habraac oo looga heshiiyey doorashooyinka, kuwaas oo kala ah.

–      Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada

–      Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada

–      Habraaca Xulista Ergada Doorashada

–      Habraaca Amniga Doorashada

–      Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka

–      Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland

–     Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Golaha ayaa isla qaatay in ergooyinka doorashada ee dooranaya xildhibaanada golaha shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo bulshada rayidka, taas oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer dowlad ee heer federal.

Ergada Somaliland ay soo xulayaan duubabka nabadoonada iyo bulshada rayidka ee la isla ogol yahay, kuwaasi oo ay hubin doonaan guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo xafiiska Rooble.

Golaha ayaa si waafaqsan heshiiskii 27-kii May waxay go’aamiyeen in la abuuro guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xubnood oo ka kala imaanaya Talisyada maamulka, Taliska booliska Soomaaliyeed iyo Ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...