Safiirka dowladda Soomaaliya ee Sacuudiga oo warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Date:

Danjiraha Cusub ย ee dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan u magacaawaday Sacuudiga ayaa warqadaha aqonsiga danjirenimo u gudbiyay Wasaaradda Arimaha Dibadda dalkaas

Danjire Saalim Macow Xaaji ayaa waxaa waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay wasiir kuxigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal.

Munaasabadda gudbinta ayaa ka dhacday Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Sacuudiga ee Magaalada Riyaadh, waxaana goobjoog ka ahaa masโ€™uuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Intaa kadib Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiya Sacuudiga Danjire Saalim Macow Xaaji iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha baratakoolka Sayid Khaalid Bin Feysal aya yeeshay kulan gaar ah waxaa ayna ย uga wada hadleen sii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab

Danjire Saalim Macow ayaa uga mahad celiyay dowladda Sacuudiga sida ay u soo dhaweeysay, waxaana uu sheegay in uu wax weyn ku kordhin doono horunarinta iyo cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ay wadaagaan labada dowladood.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale