Mareykanka oo ciidamo ka dejiyey Kabul si ay u daad gureeyaan diblomaasiyiinta ka jooga Afgaanistaan

Date:

Cutubyo ka tirsan ciidamada militariga Mareykanka ayaa lagu soo warramay inay ka dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kabul ee xaasimadda dalka Afgaanistaan, si ay dalkaas uga daad gureeyaan shaqaalaha Safaaradda Mareykanka ee Kaabuul.

Ciidankan oo gaaraya 3,000 oo askari ayaa saacadihii la soo dhaafay laga dejiyey garoonka caasimadda Afgaanistaan ee Kaabuul, xilli ay dagaalyahannada kooxda Taalibaan sii ballaarinayaan dhulka ay dalka ka maamusho dowladdu.

Sarkaal ka tirsan waaxda gaashaandhigga Mareykanka ayaa isagoo qarinaya aqoonsigiisa waxa uu warbaahinta u sheegay in ciidanka kale la filayo inay halkaas gaaraan 24-ka saac ee soo socota.

Sarkaalkaas la wareystay ayaa sheegay in caasimadda Afghanistan ee Kabul ay khatar ugu jirto inay gacanta u gasho argagixisada Taliban waqti ka dhow xilliga la saadaaliyay oo ah 30 maalmood gudahood.

Sidoo kale waxuu sheegay sarkaalkaas in kooxda mintidiinta ah ay hadda la wareegeen 14 caasimad goboleed oo ku yaalla dalkaas.

Dhacdooyinka isdabajoogga ah ee laga soo tabinayo Afganistan ayaa naxdin iyo walwal ku abuuray beesha caalamka. Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya suurtagalnimada inay dhacaan xasarado bani’aadannimo, maadaama ay dad badan oo rayid ah barakacayaan.

Diblomaasiyiinta dalalka xubnaha ka ah Gaashaanbuurta Nato ayaa lagu wadaa inay yeeshaan kulan ay uga arrinsanayaan xaaladda kasii dareysa ee Afgaanistaan.

Ra’iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson oo ka walwalsan xaalada dalkaas ayaa shir deg deg ah la qaatay golihiisa galinkii dmabe ee Jimcaha.

Sarkaal sare oo ka tirsan mucaaradka UK ayaa dowladda ugu baaqday “inay tallo qaaddo” ayna muujiso inay leedahay “qorshe cad” oo ku aaddan xaaladdaas. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa maalin ka hor ku dhawaaqay in UK ay boqollaal askari u diri doonto Afghanistan, si ay u soo badbaadiyaan muwaadiniinta Ingiriiska ee ku nool dalkaas ay gacan ku heyntiisa sii lumineyso dowladda sharciga ah ee Afghanistan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay Geerida Dr Maxamed Yuusuf 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xafiiska Adeegga Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Qaranka oo si rasmi ah looga Furay Dhuusamareeb

Xaflad lagu maamuusay daahfurka xafiiska bixinta adeegga diiwaangalinta iyo...

Wasiir dowlaha Cadaaladda Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Cadaaladda Masar 

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, Danjire...

Africom iyo Dowladda Soomaaliya oo sii wadi doonaann howlgalka lagu Ciribtirayo Khawaarijta

Taliska Africom ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada...