Guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashada oo geeriyooday

Date:

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur.

Marxuumka ayaa goordhaw ku ku geeriyooday Isbitaal Martiini, sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka.

Guddoomiyaha waxaa laga helay cudurka Coronavirus, sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la sheegay inuu hayey xanuun dhanka kilyaha ah.

Guddiga uu hoggaaminayey marxuum Cabdullahi Abyan ayaa maalmihii dambe ku howlanaa doorashada Soomaaliya, waxuuna ka mid ahaa xubnihii Jubbaland u tegay doorashadii ka dhacday ee Aqalka Sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...