Guddoomiyaha Waajid “13 Al-Shabaab ayaa lagu dilay deegaano hoos taga Waajid”

Date:

Waxaa sii kordhaya khasaraha Al-Shabaab loogu geystay howlgal ay ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed ay si wada jir ah uga fuliyeen deegaanno hoostaga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Guddoomiyaha Degmada Waajid Maxamed Macalin Yuusuf oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay korortay tirada maleeshiyada Al-Shabaab ee looga dilay howlgalkii maanta, kuwaasi oo tiradoodu gaartay ilaa iyo 13 maleeshiyo ah, ayna jiraan khaasare kale oo kooxda la gaarsiiyay.

“Tuulooyin hoostaga degmada Waajid oo maalmihii la soo dhaafay ay argagixisada ku dhibaateynayeen shacabka ayaa lagu guuleystay in goobta laga ceyriyo, loona geysto jab xoogan, waxaana laga dilay 13 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, qaarkood iyaga oo dhaawac ah oo ay ciidanka soo qaadeen ayay jidka ku dhinteen”. ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Waajid.

Maxamed Macalin Yuusuf ayaa xusay in howlgalka uu yimid kaddib markii ay soo badatay cabashada ay maamulka u soo gudbiyeen dadka deegaanka oo qaarkood ka soo barakacay tuulooyinka, isagoo intaa ku daray in ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii dambe howlgallo ka waday qaar ka mid ah gobollada dalka, kaasi oo lagu ciribtirayo Nabad diidka Al-Shabaab, waxaana ay  ciidamada ka soo hooyeen howlgalladaas guulo wax ku ool ah, iyagoo ka qabsaday deegaanno badan oo ay kolkiisa hore dadka ku dhibaateyn jireen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...