Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Saciid Cabdullahi Calasow ayaa magaalada Muqdisho maanta ka daahfuray kulanka 2-aad ee xubnaha guddiga machadka dowladaha hoose.
Xubnaha ka qeyb galay kulankaas ayaa ka kala socday wasaaradaha waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare , wasaaradda shaqada arrimaha bulshada XFS iyo wasaaradaha arrimaha gudaha dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa socon doona labada maalmood ee soo socotam waxaana la filayaa inay kasoo baxaan wax horutebin u leh hirgelinta Machadka dowladaha hoose ee Soomaaliya.