Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan duco ah u sameeyay mas’uuliyiintii qaraxa lagu dilay 24-July 2019

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo maanta ka qeyb galay kulan duco ah oo xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu sameeyey mas’uuliyiintii laba sano ka hor, 24-kii July 2019-kii lagu qarxiyey xaruntaas, ayaa sheegay in xilligaas kadib la qabtay dad kale oo doonayey inay isaga isku qarxiyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii uu yimid xafiiska, si looga badbaado dhibaatadii hore oo kale shaqaalaha dhan la marsiiyey baaritaan, taas oo sida uu sheegay uu kala kulmay dhaleeceyn badan, balse uu ku adkeystay.

“Markii la i soo magacaabay, balse aana weli xafiiska fariisan waxaa la ii sheegay in la qabtay dad kale oo loo qorsheeyey inay isku key qarxiyaan, kadib markii aan xafiiska imid dad kale ayaa la qabtay, hey’adaha ammaanka iyo garsoorka ayaana kiiskooda u deynay, dadkeenii waxaa laayey cadaw, welina waa sii wataan howshooda, waxaa la sheegaa in qofkii is qarxiyey uu ka mid ahaa maamulka gobolka, weliba agaasimayaashii xiligaas uu ka tirsanaa,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar ayaa sheegay inay ku dadaaleen in dadka inta hartay cadawga laga badbaadiyo, isla markaana ay dib u diiwaan geliyeen shaqaalaha maamulka.

“Intii dhimatay Allaha u naxariisto waxaan ku dadaalnay, inta nool dadka sidii aan u ceymin laheyn, waxaan qaadanay go’aan ah dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir in dib loo diiwaan geliyo oo qof macluumaadkiisa oo dhan la soo ogaado, kadibna damaanad loo sameeyo oo bal qofka la aqoonsado,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish waxa uu sheegay in diidmo iyo dhaleeceyn badan uu kala kulmay in baaritaan heerkaas ah lagu sameeyo shaqaalaha, “Maanta qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha gobolka Banaadir macluumaadkiisa dowladda heysa.” Ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu xafiiska joogay inuu soo iibiyey qalab iskaan ah oo aad u baara dadka soo gelaaya xarunta dowladda hoose ee Xamar, sidoo kalena uu sameynay ciidamo nabad sugid ah oo dadka ku dhex jira, kuwaas oo aan la wada aqoon, dad badana soo qabtay, sida uu sheegay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi sare oo ka socda Sweden

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Howllgal qorsheeysan oo CXD ka fuliyeen Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed CXD ayaa fuliyay howlgallo amni...

Degmada Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka bisha Ramadaan

Degmada Dhahar oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa u...

Safiirka Soomaaliya ee Australia oo aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia...