Dhageyso: Senator Cabdi Qeybdiid oo ku sugan Camaara kana war bixiyey howlgalkii maanta

Date:

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku sugan magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug oo maanta laga saaray argagixisada Al-Shabaab ayaa la hadlay Radio Muqdisho, isagoo faahfaahin ka bixiyey howlgalka ka socda gobolka Mudug

Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed iyo daraawiishta Galmudug ayaa maanta gudaha u galay magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay isaga firxadeen argagixisadii Al-Shabaab ee dhuumaaleysiga ku joogtay Camaara.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa noo sheegay in deegaanka ay ka bilaabeen wacyi gelin ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, isla markaana ay maanta fagaarayaasha Camaara kula hadleen bulshada ku nool magaaladaas, si looga dhaadhiciyo inay iska dhiciyaan cadawgaan baneystay dhiigooda iyo maalkooda.

Saraakiil ka tirsan ciidamada gudaha u galay deegaanka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiiyay inay u suurta gashay inay la wareegaan guud ahaan magaalada Camaara, halkaas oo ay ku burburiyeen xarumo ay ku dhuumaaleysa jirtay argagixisada Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay ka firxadeen magaalada Caraama, markii ay ka war heleen in lagu soo wajahan yahay.

Camaara oo dhacda koonfurta gobolka Mudug waxay ka mid tahay magaalooyinka faro ku tiriska ah ee Galmudug oo argagixisado ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed, balse maanta ayey ciidamada Qaranka u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan.

Hoos ka dhageyso wareysi uu Cabdi Qeybdiid siiyey Radio Muqdisho

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...