Wasiirka Cadaaladda oo sheegay in baaritaan lagu sameynayo isku dhac ciidan oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Galabta ayey ahayd markii ciidan ka tirsan Asluubta iyo ciidamo ilaalo u ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh uu iska hor imaad kooban oo aan qasaare gaysan ku dhexmaray Kontarool ku yaal dhanka Degmada Xamar weyne oo laga ilaaliyo Hay’adaha Garsoorka iyo Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Cadaaladda iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabtay Xabsiga Dhexe ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin gacan ka hadalka dhexmaray labada ciidan ee Qaranka u wada adeegayey.

Taliyaha ciidanka Asluubta Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in falka uu ahaa mid aan wanaagsaneen ku tagalkana uusan ahayn in ciidan hal hadaf leh ay isku dhacaan.

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Mudane Cabadulqaadir Maxamed ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay ka xunyihiin rasaastii labada ciidan ay is dhaafsadeen, raali galina ay ka siinayaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha Asluubta iyo Wasiirka Caddaalada ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in la baarayo sababta keentay in ciidanka isku dhacaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...