Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hogaaminanyo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug waxaa garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Muqdishu soo gaaray kadib casuumaad kaga timid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu barri si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...