Wasiir Duraan Faarax oo kala hadlay guddiga Diyaaradaha xayiraadda duulimaad ee Kenya

Date:

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta la kulmay guddiga shirkadaha Diyaaradaha Dalka, maalin kaddib markii ay Kenya xayirtay duulimaadyada Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay hannaan lagu wajahayo inaysan saameyn ku yeelan Diyaaradaha xayiraadda Dawladda Kenya ku soo rogtay isu-socodka, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Wasiirka.

“Waxaan ballan-qaadayaa in Dawladda ay kala shaqeynayso ganacsatada Diyaaradaha wax kasta oo u sahlaya inuusan go’aankan saameyn ku yeelan.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya  ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Dawladda Soomaaliya uga go’aantahay in la horumariyo iskaashiga duulimaadyada waddamada gobolka.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii ugu horreeyay ee qaata kaarka codeynta

Madaxweynaha Dowlad Goboleeda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Koonfur Afrika u tegay furitaanka Safaaradda cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali,ayaa...