Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada ciiddul fidriga u diray shacabka Soomaaliyeed

Date:

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan bilashada bisha Soonfur iyo munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda, taasoo qeyb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.

“Maalmahan waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna suubban, waa maalmo ay muslimiintu dhammaan u dabbaal degaan farxadda Ciidda, kaddib bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo ku suntan cibaadada, is-cafinta, xoojinta walaalnimada, bixinta sadaqada, ka shaqeynta danta guud iyo maslaxadda ummadda.”

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidammada Qalabka Sida oo har iyo habeen qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay geliyeen sugidda amniga intii lagu guda jiray bisha barakaysan. Waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud oo uu amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle ka baryay in uu naga aqbalo acmaashii suubbaneyd ee aan gudannay bishii barakeysnayd ee Ramadaan, Ciiddan ciiddeedana nagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsaday horumar iyo xasillooni.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...