Tartamayaasha Kismaayo oo caawa ku guuleystay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii 29aad ee kama dambeysta ah (Final) ku tartamay Degmooyinka Yaaqshiid Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.

Tartameyaasha labada degmo ee Yaaqshiid Vs Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Yaaqshiid

Tartameyaasha Degmada Yaaqshiid Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay dhigooda Kismaayo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Yaaqshiid ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, waxa ay iska qaldeen Hal su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Kismaayo, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba sida uu qabo sharciga tartanka marka ay labo degmo isku dhibco noqdaan waxaa lagu daraa su’aalo dheeri ah si loo kala saaro cidda ku guuleysata tartanka, waxaana su’aalihii dheeriga ahaa ee lagu daray ay labada degmo iska qaldeen min halkii su’aal ee la weydiiyay, balse tartamayaasha Kismaayo ayaa fursad u helay inay ka faa’iideystaan su’aashii soo hareer martay Yaaqshiid, sidaas ayayna caawa ku badisay Kismaayo 14-dhibcood, halka Yaaqshiid ay la timid 12-dhibcood.

Hadaba kulankii 29aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa ku guuleystay tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, halka kaalinta labaad ay galeen tartamayaasha degmada Yaaqshiid, waxaana kaalinta saddexaad ee tartanka ku guuleystay Tartamaayasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Sawir Qaade: Maslax Cabdiweli (Maslax Boss)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Hodan oo Lagu Martiqaaday Xarunta shirkadda Alibaba

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn...

Taliyaha Booliiska oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobab ku da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...