Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka soo tala bixiya xalka gaarista qalalaasahii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay Xafiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in iyadoo laga jawaabayo go’ankii uu Madaxweynaha uu Ra’iisul Wasaaraha ugu wareejiyay howlaha doorashada iyo Amniga guddigaan la magacaabay.
Guddiga oo ka kooban 12 xubnood ayaa waxaa guddoonmiye u ah Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Magacyada Guddiga la magacabay
- Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale Guddoomioye
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax Xubin
- Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji Xubin
- Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin
- Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin
- Wasiir ku Xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaalla) Xubin
- Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Xubin
- Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas dhageey) Xubin
- Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) Xubin
- Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur Xubin
- Xildhibaan Mahad Maxamed Salad Xubin
- Xildhibaan Cabdixakiin Macalim Axmad Xubin