Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Itoobiya โ€œSAWIRROโ€

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Itoobiya u qaabbilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajoย  ayaa uga warbixiyey Safiirka guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska ciidammada, adkeynta dowladnimada, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Dhankiisa, Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa soo bandhigay sida ay uga goโ€™an tahayย  adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam, waxa uuna muujiyey ahmiyadda ay leedahay dhowrista madax bannaanida dal walba.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee ku dhisan iskaashi, daris wanaag iyo wax-wada-qabsi, iyada oo xoogga la saarayo in kor loo qaado heerka nololeed iyo dhaqaale ee shucuubta Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...