Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo Midowga Musharaxiinta oo xalay wadajir loo soo saaray.

Date:

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Raโ€™iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble dadaalka uu ku bixiyey heshiiska wadajirka ah iyo guud ahaan maareynta arrimaha doorashooyinka iyo sida ay uga goโ€™an tahay in la dhaqan geliyo Heshiiskii 17-ka Sebteembar ee ay wada gaareen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah, ayna meel mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Madaxda Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka wax ku-oolka ah ee ay ku bixiyeen ka miro-dhalinta waanwaantan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay doorkooda ka qaataan xasilloonida amni iyo siyaasadeed ee dalka, iyada oo dhabbaha loo xaarayo dhaqan-gelinta Heshiiska doorashooyinka iyo talo soojeedintii Guddiga Farsamada Doorashada Federaal ee ka soo baxday Shirkii Baydhabo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...