Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in talaalka covid-19 uu dalka soo gaarayo bilowga bisha soo socota

Date:

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada xukumadda federaalka Soomaaliya Dr,s Fowyso Abiikar Nuur oo marti ku aheyd barnaamijka kulanka todobaadka ee ka baxa warbaahintab qaranka ayaa sheegtay in todobaadka 2-aad ee bilawga bisha soo socota dalka uu soo gaari doono talaalka covid-19 kaasi oo ay soo saartay dowladda UK isla markaana laga isticmaalay wadama badan oo kala tirsan qaaradaha dunida.

Wasiir Fowsiyo waxa ay sheegay in helida talaalkaan ay soomaaliya ka caawineyso hayโ€™adda Caafimaadka aduunka WHO oo soomaaliya ay xubin ku leedahay.

โ€œWaxaan fileynaa in bilawga bisha soo socota uu dalka soo gaaro talaalka covid-19 oo ay naga caawineyso hayโ€™adda caafimaadka aduunka WHO ayay tire wasiir Fowsiyo.

Dhinaca wasiirka caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegay in safiirka shiinaha ufadhiya Soomaaliya uu kala shaqeynayo helida talaal kale ay soo saartay dowladdiisa kaasi oo isna laga isticmaalay dalal badan.

โ€œQorshaha helida talaalka Covid-19 waxaan soo bilaawnay dhextaalka sanadkii tagay ee 2020 waxaana ka mid nahay dalal badan oo aan awoodin qarashka ku baxaya.

Tan iyo markii dalka laga diwaan geliyaya kiiskii ugu horeeyay covid-19 waxaa uu haleeyay ย 6,687 waxaa ka bogsootay 3,784 iyadoo tirada dadka ugeeriyooday ay gaartay 223.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...