Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Hambalyo u diray Agaasimaha cusub ee maamulka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Caalamiga ah ee Maaliyadda ( IFC ) Makhtar Diop.

Date:

 

Muqdisho: Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hambalyo diirran u diray Makhtar Diop oo Madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass u magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Caalamiga ah Maaliyadda oo ka mid ah 5-ta Hey’adood ee Bangiga aduunka.

Makhtar Diop 6-dii sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa Madaxwyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika, waxa kale uu soo noqday wakiilka Bangiga Aduunka ee Soomaaliya, Kenya iyo Brazil.

Wasiir Beyle ayaa ku amaanay mudane Diop kaalintii uu ka geystay dedaalka Soomaaliya ugu jirto Wadahadalada dayn cafinta iyo dib u habeynta nidaamka maamulka Maaliyadda

Makhtar Diop wuxuu u dhashay dalka Senegal wuxuu ka soo noqday Wasiirka Dhaqaalaha dalkiisai, waa qabiir Dhaqaale oo muddo u shaqaynayay hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah.

Hey’adda uu hoggaamin doono ee Maaliyadda Caalamiga IFC ( International Financial Corporation ) waxay shaqadeedu tahay hormarinta dhaqaalaha iyo Dhiiragalinta kobaca nolol maalmeed bulshada iyada oo loo marayo hey’adaha gaarka loo leeyahay ee dalalka soo koraya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...