Waxaa maalinnimadii Jimcaha, 12ka bisha Febraayo 2020 qabsoomay shir fogaan arag ah, kaas oo heerkiisu sarreeyo, waxaana shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Mudane C/qaadir Maxamed Nuur.
Shirka waxaa lagu falanqeeyey barnaamijyada cadaaladda iyo asluubta, iyadoo aad looga hadlay horumarrada laga sameeyey xabsiyada Kismaayo iyo Maxkamadda Boosaaso.
Wasiirka ayaa ka hadlay howlaha sanadkaan hortabinta u leh Wasaaradda Cadaaladda ayna kamid tahay qorshaha istraajiyadeed ee shanta sano ee hey’adaha cadaaladda yeelanaayaan.
Ugu danbeyntii waxaa lagu ansaxiyey howl-qorsheedka 2021. Shirka waxaa ka soo qeyb galay deeq bixiyeyaasha taageera bahda cadaaladda sida EU, Netherlands, Sweden, Hey’adda IDLO, iyo dhammaan qeybaha hey’adaha Qaramada Midoobay.