Wasaaradda Caafimaadka X.F.S oo faahfaahin ka bixisay xaaladahii ugu dambeeyay ee COVID-19.

Date:

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladahii ugu danbeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in barataanadii ugu danbeeyay ee la sameeyay shalay laga helay 28 ruux oo ku sugan Muqdisho iyo Hirshabeelle, islamarkaana ay sare u sii kacayaan kiisaska cudurka Karoonaha.

Drs. Fawziya Abiikar Nuur, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegt in 12-kii February 2021: xanuunkan laga baaray dad gaaraya 628 COVID-19, waxana Laga Helay 62, oo ku sugan Banadir, kuwaa oo kala ah 36 Lab ah iyo 26 Dhedig ah, halka ay u geeriyodeen 2 qof.

Wasaaradda ayaa Tirada Guud ee Laga Helay xanuunkan ku sheegtay 5,075, Tirada Guud ee Bogsatay waa 3,733.

Halka Dhimashada Guudna ay tahay 146.

Wasaaradda ayaa ygy danbeeyn digniin caafimaad u dirtay dhamaan Ummadda Soomaaliyeed si ay ugu digtonadaan halista xanuunkan oo markale soo laba kacleeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof....

Dowladda koonfurta Sudan oo si adag u taageertay ilaalinta midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed ayaa si rasmi ah u...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laascaanood ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...