Maamulka deegaanka Gubadley oo dayac tir ka wado qaar ka mid ah wadooyinka deegaanka.

Date:

Maamulka deegaanka Gubadley ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu dayactir iyo dib u dhis xoogan ka bilaabay Qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee dhexmara degaanweynaha gubadley , howlahan lagu furayo wadooyinka uu xiray geed yahuudka iyo qashinka ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya gaadiidka loogu tala galay in lagu qaado qashinka katarabiilo lagu furayo ama dib loogu hagaajinayo wadooyinka si ay u fududaato isu socodka dadka iyo gaadiidka islamarkaana ay u soo laabato bilicda iyo Nadaafadda deegaanka Gubudley.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa ka hadlay baahida loo qabay wadooyin iyagoo soo dhaweeyay dadaalada maamulka deegaanka Gubudley oo ay ku furayaan wadooyinka ,  Gudoomiyaha Guddiga dib u dayactirka wadooyinka ee deegaanka Gubadley Mudane Maxamud Yusuf Xuurshow ayaa ka warbixiyay muhiimada wadooyinka ay u leeyihiin bulshada.

Gudomiyaha degaanka Gubadley ee Gobolka Banaadir mudane C/llaahi Nuur Kaalibey ayaa sheegay in maamulka uu qeyb weyn ka qaadanayo horumarada deegaanka isagoo ku booriyay in shacabka deegaanka Gubudley in ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS oo gaaray magaalada gaaray Magaaladda Kampala.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo is-afgarad ah oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...