Horjoogihii Al-Shabaab uqaabilsanaa qaraxyada Gobolka Galgaduud oo gacanta lagu dhigay+(SAWIRRO).

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goordhow soo bandhigey horjoogihii Qaybta qaraxyada Galgaduud u qaabilsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Xasan Cabdinuur daad “Carey’s” kaasi oo ka mid ahaa maleeshiyaad xalay lagu qabtey howlgal ciidamadu ka fuliyeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Horjoogahaan oo hoggaamiyay koox xalay isku daydey in ay hoobiyaal ku soo tuuraan Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb ayaa laga daaweynayaa dhaawac ka soo gaarey dagaalka, waxaa sidoo kale goobta la keenay gaarigii ay wateen iyo qori ah B10 oo ay adeegsanayeen, sidoo kale Ciidamada ayaa goobta ku soo bandhigey qoryo fudud iyo meydadka xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay dagaalkii xalay.

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/Gaas: Xuseen Xoosh Cali iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan masuuliyiinta maamulka Dhuusamareeb ayaa ku amaaney Ciidamada Gor-Gor ee howlgalkaan fuliyay, sida ay uga hortageen qorshihii Alshabaab ee ahaa carqaladeynta Amaanka Magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...