Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Madaxda Hay’adda TIKA+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha XfS oo u wehliyo Wasiirka Cadaaladda ayaa xarunta  Wasaaradda kulan kula yeeshay Madaxda sare ee Hay’adda horumarinta Mashaariicda Turkiga ( TIKA-Soomaaliya) iyo Madax kale oo Turki ah.

Ujeedada kulanka waxaa looga gol lahaa, si loo xoojiyo iskaashiga  dhinacyada horumarinta labada Dowladood.

Ganacstada ka socotay Turkiga ayaa daneeyay in ay Maal gashadaan dalkeenna oo ay u arkeen Dal ku Habboon Maal-gashiga.

Wasiir Jamaal ayaa tilmaamo ka bixiyay Waddankeena meelaha ugu habboon in maal-gashiga lagu sameeyo, oo ahmiyad wayna u leh Maal Gashiga shisheeye  kuwaa oo kala ah Beeraha,Tamarta, Xoolaha, iyo

Kaluumeysiga.

Madaxda ka socotay hay’adda Turkiga (TIKA-Soomaaliya) iyo xubnaha kale ayaa soo dhaweeyay dadaalada ka socda Soomaaliya isla markaana sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay u Maalgashan lahaayeen dhinacyada muhiimka ah ee Wasiirku xusay taa oo dhankooda ay mudnaan wayn u leedahay.

Sidoo kale waxaa  hoosta laga xariiqay dar-dargalinta Shuruucada muhiimka u ah Maal-gashiga shisheeye tasoo fursad wayn u abuurayso Waddanka oo intooda badan heer gaba-gabo ah maraayo.

Ugu damabayntii Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarimta Dhaqaalaha XFS, Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in ka Dowlad ahaan ay diyaar u yihiin dhiirogelinta, fududaynta, taageeridda, Maalgalinta shisheeye, sare u qaadidda Muuqaalka Dalka iyo in aynu sii hagaajino jawiga Maalgashiga oo Dalku billow Wanaagsan u ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...