Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Hiiraan oo ka warbixiyay shir lagu soo gabo gabeeyay Beladweyne+(SAWIRRO).

Date:

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa kulan wada tashi ah la yeeshay guddomiyeyaasha dagmooyinka gobolka, kaasi oo maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Cabdullaahi Maadeey oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in muddo todobaad ah uu socday shirka, kaasi oo lagu lafa guray  arrimaha ammaanka iyo  dar dargelinta ladagaallanka maleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab ee  ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, isagoo xusay in shirkan uu ahaa kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo ay yeeshaan maamulka Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka.

Abuukar Sheekh Cabdullaahi ayaa xusay in maamulada degmooyinka ay soo gudbiyeen baahiyaha ka jirta deegaannadooda oo ay ugu horeeyaan dhibaatada uu beeraleyda Gobolka Hiiraan uu u geystay Ayaxa oo xaalufiyay beerihii gobolka iyo fatahaadaha, isla markaana la isku raacay in wax badan laga qaban doono baahiyaha la soo gudbiyay.

Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda Gobolka Hiiraan ayaa xusay in maamulkooda ay qorsheynayaan sidii la isugu furi lahaa Waddooyinka Gobolka, isla markaana guud ahaan deegaannada Gobolka Hiiraan looga cirib tiri lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...