Wasaaradda caafimaadka Galmudug oo agab caafimaad gaarsiisay isbitaalka magaalada Gaalkacyo+(SAWIRRO).

Date:

Wasaaradda caafimaadka maamul goboleedka Galmudug ayaa agab caafimaad gaarsiisay isbitaalka weyn ee magaalada Galkacyo ee xaruunta Gobolka Mudug kaas oo si lacag la’aan ah ku ugu shaqeeyo bulshada deeggaanka ,wasaaradu ayadoo ka duuleyso baahiya ay u qabaan dadka deegaanka ayeey dadaal xooggan galisay  sidii loo tayeyn-lahaa adeegyada caafimaadka .

Madasha wareejinta agabkaan ayaa waxaa goob-jog ka ahaa gudoomiyaha gobalka Mudug, duqa dagmada Galkacyo, isku duwaha wasaarada caafimaadka ee gobalka, agaasimaha isbitaalka iyo wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr Mahad Caabi Ciise,waxaana ugu horeyn goobta Ka Hadlay agaasimaha isbitaalka Dr Maxamed Cabdi Axmed asigoo sheegay Baahida uu bIsbitaalka u qabay agabkaan lasoo gaarsiiya.

Sidookale duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale Iyo guddoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa iyaguna bogaadiyay dadaalka wasaarada caafimaadka Galmudug ee la xariira xoojinta wax ka qabshada baahida adeegyada Caafimaadka ee gobalka Mudug .

Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka maamulka galmudug Dr Mahad Caabi Ciise ayaa ka wrabixiyay qalabkaan ay maanta soo gaarsiiyeen isbitaalka magaaladda Gaalkacyo iyo dadaalada ay waddo wasaaradda caafimaad Galmudug.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Xasan Maxamed...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...