Ciidanka Xoogga dalka oo Howl-galo ka dhan ah Al-Shabaab kawada Jubbada Hoose.

Date:

Ciidamada Xoogga dalka oo ay wehliyaan kuwa maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay deegaanno dhawaan laga saaray Al-Shabaab oo kaabiga ku haya degmada Jamaame ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga deegaanaadaas.

Taliyaha Ururka 56-aad Guutada 11-aad, qeybta 43-aad oo markii uu howlgalka soo gabagaboobay la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo dadka dhibaato ba’an ku hayay, wuxuuna hadalkiisa intaas raaciyay in howlgalka uu sii socon doono inta laga ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Deegaanada sida gaarka ah howlgalka looga fuliyay waxaa ka mid ah Koban, Bangiini iyo Araare, halkaas oo argagixisada mararka qaar si dhuumaaleysi u yimaadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...