Shirka madasha iskaashiga Ganacsiga Beeralayda Dalka oo berri ka furmayo Muqdisho.

Date:

Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya , waxay qabanaysaa Shirka madasha iskaashiga ganacsiga beeralayda Soomaaliya kaasi oo loogga hadlaayo siddii ganacsatada iyo beeralaydu ba iskaga kaashan lahaayeen xoojinta wax-soo-saarka dalka iyo weliba in suuqyo ganacsi oo gudaha iyo kuwo caalami ah loo raadiyo wax-soo-saarka Soomaaliya.

Shirkan oo la filaya maalinta berri ah oo ku beegan 13-ka Janaayo 2021 ka qabsoomi doona Muqdisho, ayaa waxa ka soo qeyb-gali doona madaxda Wasaaraddaha ganacsiga iyo beeraha dowladda Soomaaliya, masuuliyiin ka socoto wasaaradaha ganacsiga iyo beeraha dawladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe,iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socda hay’adda DRC, ganacsato, Beeralay iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Shirkaan qaban qaabadiisa waxaa isla leh wasaaradda ganacsiga iyo wershadaha Soomaaliya waxaana loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka dalka iyo in la dhiirigaliyo beeraaleyda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...