Burburka diyaaradii lagu la’aa Indonesia oo la helay.

Date:

Diyaarad rakaab oo laga leeyahay dalka Indonesia oo ay la socdeen 62 qof ayaa ku dhacday badda markii ay ka kacday caasimada Jakarta, sida ay masuuliyiintu sheegeen maanta oo Sabti ah.

Wasiirka Gaadiidka ee dalka Budi Karya Sumadi ayaa sheegay in diyaaradda Sriwijaya Air ee SJY 182 waxaa saarnaa 50 rakaab ah, oo ay ku jiraan 10 caruur ah, iyo 12 shaqaale ah, waxaana markaasi ka dib ciidamada Badda iyo laamaha gurmadku u hawlgaleen inay raadiyaan diyaaradda

Ciidanka Badda Indonesia ayaa sheegay inay heleen burburka diyaaradda oo ku kala firirsanaa afar goobood oo ku yaal biyaha Badda Java, waxaana ay sheegeen in cimiladu aad u liidato aagga diyaaraddu ku dhacday.

Wakaaladda raadinta iyo samatabbixinta Qaranka ayaa sheegtay in goobta ay diyaaradda ku dhacday ay qiyaastii 1.5-2 mayl u jirto labada jasiiradood, ilaa iyo hadda ma soo bixin faah faahin ku saabsan dadkii saarnaa diyaaradda.

Diyaaradda ayaa ka baxday caasimadda Jakarta, waxaana ay ku sii jeeday Pontianak, oo ah caasimada gobolka West Kalimantan, waxaana ay lumisay khadka isgaarsiinta wax yar ka dib markii garoonka ay ka duushay, markaas oo saacaddu ahayd 2.40 pm. waqtiga maxalliga ah (0740GMT), ayey sheegtay afhayeenka Wasaaradda Gaadiidka Adita Irawat.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...