Burbur looga shakisanyahay diyaarad lagu la’yahay Indonesia oo la arkay.

Date:

Dowlada Indonesia ayaa sheegtay in uu socdo baadi goob xoog leh oo lagu raadinayo diyaarad ay laheyd shirkada Sriwijaya Air.

Wasaarada gaadiidka dalka Indonesia ayaa sheegtay in baadigoobka uu bilowday kadib markii isgaarsiinta diyaarada la waayay wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka magaalada caasimadda ah ee Jakarta.

Diyaarada ayaa ku jeeday gobalka Pontianak ee gobalka West Kalimantan ee dalkaasi Indonesia.

Dadka ku nool jasiirad u dhow halkii diyaaradu ku libirtay ayaa sheegay in ay arkeen walxo ay aamisan yihiin in ay yihiin burburka diyaarada.

Shirkada diyaarada iska leh waxay sheegtay in wali uruurineyso xogta la xiriirta diyaarada sidoo kalana ay ehelka dadkii saarnaa ay wargalineyso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare

Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka...

Agaasimaha Haya’adda Socdaal JFS oo la kulmay Taliyaha Ciidanka Socdaalka Norway

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Soomaaliya...

‘Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeya’ (WARBIXIN) Qeybta 1-aad

Kadib markii dib loo soo doortay Madaxweynaha haatan majaraha...

Xujeyda Soomaaliyeed ee gaartay Sacuudiga oo booqday goobaha barakeysan ee Madiina

Xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan gudaneysa Waajibaadka Xajka ayaa booqasho...