AMISOM oo tababar la xiriira ka hortagga miinooyinka siisay xubno ka tirsan ciidankeeda ka howlgala Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Ilaa 40 xubnood oo ka tirsan ciidanka Uganda ee ka mid ah kuwa Amisom ayaa la siiyay taba bar ku saabsan sida looga hortago waxyaabaha qarxa iyo miinooyinka.

Ciidankan oo ah kuwa saldhiga ku leh deegaanka Carbiska ayaa waxaa la baray sida loola tacaalo miinooyinka macmalka ah ee loo yaqaan IEDs kuwaas oo kooxaha argagaxisada adeegsadaan.

Tababarka oo socday shan isbuuc ayaa waxaa kaloo ciidanka lagu baray sida waddooyinka looga nadiifiyo waxyaabaha qarxa iyo talaabooyinka loo baahan yahay in la sameeyo.

Col, Jimmy Nabiyu Musoke, oo ah taliyaha guutada dagaalka ee ciidanka Uganda ee Amisom ka tirsan ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda tababarka lagu soo xirayay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...