Wasiirka Diinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay Wasaaradda+(SAWIRRO)

Date:

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Saalax Shariif Sayid-Cali ayaa sheegay in Wasaaraddu ay kaalin weyn ka geysatay in kutubo Quraan ah ay gaarsiiyaan tuulooyin iyo degmooyinka hoostaga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si ardayda ay uga faa’iideystaan kutubta.

Wasiir Saalax Shariif oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kutubadii ugu badbaa ay ka bixiyeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayna socdaan qorshe balaaran oo lagu gaarsiinayo kutubta Qur’aanka deegaanada kale ee aan heysan.

“Qeybinta kutubada waxaan ka bilownay degmada Baydhabo, anagoo la kaashaneyno Maamulada Degmooyinka ayaan gaarsiinay beelo badan oo ka mid ah deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Diinta Koonfur Galbeed.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay in mashaariicdii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay ka hirgeliyeen Koonfur Galbeed ay qeyb ka ahayd dhagax dhiga xarunta Wasaaradda iyo Machad loogu talaglay in lagu barto daraasaadka Islaamka, isagoo xusay inay ku rajo weynyihin in dhawaan la dhameystiro dhismaha xarunta, si shaqaalaha ay ugu shaqeeyaan xaruntooda marka la dhameystiro.

“Wasaaradda awqaafta iyo Diinta waxa ay mas’uuliyad ka tahay Diinta, waxaana rabnaa in dadka aan lagu qaldin  oo aan laga marin habaabinin diintooda saxda ah, waxaana naga go’an inaan dadka barno Diinta oo aan ka hortagno waxkasta oo diinta ka baxsan, waxaana arrimahaas iska kaashan doonaa Dowladda Federaalka oo ku aadan in bulshada loo sameeyo wacyigelin joogto ah” ayuu yiri mudane Saalax Shariif.

Wasiir Saalax ayaa xusay in Wasaaraddu ay gacan ka geysan doono sidii loo nidaamin lahaa dugsiga ku yaala waddooyinka hareeraheeda oo ay ku saacidi doonaan sidii meelo qurux badan loogu dhisi lahaa, isagoo intaa ku daray in Wasaaradda ay si joogto ah kulamo wada tashi ah la yeelato culimada iyo qeybaha bulshada ee ku nool Baydhabo oo ay kala hadleen in bulshada la siiyo wacyi gelin ku aadan fahamka Diinta Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Spain oo kala saxiixday heshiis Taariikhi ah 

Dowladaha Soomaaliya iyo Spain ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad...

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xilalka ka qaaday laba Wasiiru Dowle

Muqdisho, Khamiis, 26 Maarso 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Taliyaha CXDS oo booqday Askartii kusoo dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Asluubta oo Kormeer ku tagay Xarunta taliska

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha...