Xulka Banaadir oo u soo gudbay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka maamul Goboleedyada+(SAWIRRO).

Date:

Kulanka ka tirsan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo ka soconaya magaalada Muqdisho, isla markaana ah kulanka afar dhamaadka ee tartanka ayaa waxaa galabta foodda is daray xulalka kubadda Cagta Banaadir iyo Koonfur Galbeed, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Banaadir iyo Koonfur Galbeed, isla markaana sitay hal ku dhigto ayaa muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah ee la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Labada xul ayaa soo bandhigay cayaar aad u xiisa badneyd oo ay ku qanceen dhamaan dadkii u soo daawasho tagey garoonka oo ahaa mid aad loo soo camiray, waxaana cayaarta daqiiqaddii 41aad gool u dhaliyay xidiga N0, 11aad ee xulka Banaadir Nageeye Deeq, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay la yimaadeen Xulka kubadda cagta Banaadir oo ah marti geliyaasha koobka.

Daqiiqaddii 58aad Ibraahim Ilyaas oo Xulka Banaadir u wata N0. 28aad ayaa u dhaliyay goolka labaad ee ay la yimaadeen Xulka Banaadir, balse daqiiqaddii 63aad Maxamuud Ibraahim oo N0: 20aad wata ayaa gool u dhaliyay xulka Koonfur Galbeed, kaasi oo cayaarta ka dhigay 2-1.

Cayaarta oo ahayd weerar iyo weerar celis ayaa daqiiqaddii 82aad Idiris Maxamed Bilaal oo ka tirsan Xulka Banaadir waxa uu cayaarta ka dhigay 3-1, waxaana cayaarta ay ku soo idlaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Xulka kubadda caggta ee Banaadir, waxaana ay u gudbeen cayaarta kama dambeysta ah oo ay isku arki doonaan Xulka Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Dooxa

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka...