Warsaxaafadeed: Shaacinta Habraacyada Doorashooyinka 2020/21 ee Aqalka Sare iyo Foomamka Musharaxiinta

Date:

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ee 2020/21 isagoo tixraacaya faafinta rasmiga ahayd ee dhaqan galinta doorashada isla markaasna ahmiyad wayn siinaya dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka ayuu maanta oo ay tahay 26ka Diseembar, 2020 u kala diray Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya habraacyada doorashada iyo foomamka ay u baahan yihiin inay buuxiyaan musharxiinta doorashada kuraasta Aqalka Sare.

Guddiga ayaa sidoo kale ka codsaday Dowlad Goboleedyada in ay si rasmi ah u bilaabaan diwaangalinta iyo qabashada araajida musharixiinta Golaha Aqalka Sare.

Guddiga wuxuu garawsan yahay baaxadda howsha hortaala iyo waajibaadka loo igmaday, wuxuu ku boorriyey mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedyada in ay qaataan doorkooda kaga aaddan fulinta hawlaha doorashooyinka iyo in ay guddiyada iyo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeyaan sidii ay doorashooyinka u guuleysan lahaayeen, una noqon lahaayeen kuwo daah furan oo xor iyo xalaal ah.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay markale adkaynayaan in Madaxda iyo Barlamaannada Dowlad Goboleedyada ay kaalintooda ka qaataan sidii ay doorashadu ugu qabsoomi lahayd xiligeeda.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday 

1- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa dhagax-dhigay xarunta...

Ciidanka Hey’adda NISA oo qaaday 16 Jidgooyo oo yaalay Hiiraan iyo Gaalgaduud

Ciidanka Hey'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa ku...

Wasiirka Arrimaha Diinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Sacuudiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar...

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur,...