Dowladda Turkiga oo digniin u direy Jeneraal Khalifa Xaftar.

Date:

Wasiirka difaaca Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay in weerar kasta oo ay ku soo qaadaan maleeshiyaadka beriga Libya ee uu hogaamiyo janaraalka falaagada ah ee Khalifa Xaftar ciidkooda ku sugan waqooyiga ay la kulmi doonaan awood adag.

“Dambiilaha dagaal, dilaaga Xaftar iyo taageeriyaashiisa waa in ay ogaadaan in ay la kulmi doonaan awoodda sharciga haddii ay beegsadaan ciidanka Turkiga, Hulusi Akar ayaa hadalkan u sheegay cutub ka tirsan ciidankooda oo ku sugan caasimadda Libya ee Tripoli xilli uu halkaas ku tagay safar aan horey loo sheegin.

Hadalka wasiirka gaashaandhigga Turkiga, Hulusi Akar ayaa imaanaya xilli ciidanka la baxay Libyan National Army ee uu hogaamiyo Xaftar ay isu diyaarinayaan in ay weeraraan ciidanka Turkiga ee taageerada u fidiya dowladda QM aqoonsan tahay ee Libya ee loo yaqaano xukuumadda heshiis qaran.

“Haddii talaabo noocaas ah qaadaan ma awoodi doonaan meel ay nagaga baxsadaan,” Akar ayaa sidaa yiri.

Taageerada Turkiga u fidiyay xukuumadda caalamku aqoonsan yahay ee Libya ayaa keentay in ay iska caabiyaan duulaan 14 bilood socday oo xoogaga Janaraal Xaftar ku soo qaadeen caasimadda Libya, iyadoo Xaftar ay taageero siinayeen dalalka; Imaaraadka Carabta, Masar iyo Russia.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa shalay safar ku tagay magaalada Tripoli iyadoo halkaas kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Libya iyo saraakiisha ciidanka ee Turkiga iyo Libya.

Waxaa uu intaas ku daray in wadahadalada siyaasadda ay aas aas u yihiin xal u helidda dhibaatada Libya.

Janaral Khalifa Xaftar ayaa dhankiisa sheegay in Libya aysan nabad noqon doonin ilaa shisheeyaha laga saaro dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska Nabad Sugidda koonfur Galbeed oo soo bandhigay xubno katirsan khawaarijta

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaabbilay Safiirka Suudaan

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax-Dhigay Isbitaalka Laga Dhisayo Degmada Garasbaaleey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa maanta...

Is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka bilaabatay deegaanka Warane ee Xarardheere

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...