Xeer ilaaliyaha Qaranka oo la kulmay dhiggiisa Turkiga+SAWIRRO

Date:

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay Xeer ilaaliyaha Guud ee Jamhuuriyadda Turkiga mudane Beker Sahin.

Kulankaas oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka cadaaladda dawladda FS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Jaamac Cabdullaahi Caydiid ayaa looga wada hadlay sidii Turkiga iyo Soomaaliya isaga kaashan lahaayeen xoojinta hay’adaha garsoorka iyo ku dhaqanka sharciga.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay in hay’adaha cadaaladda Turkigu ay Soomaaliya ka taageeraan tababarada hawlwadeenada cadaaladda, sida xeer ilaaliyaasha iyo garsoorayaasha, taas oo Soomaaliya ku caawinaysa ku dhaqanka sharciga iyo helitaanka cadaalad wax ku ool ah.

“Turkigu waa wehel istiraatiiji ah oo saaxiib la ah dalkeena” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayey kulanka uu la qaatay dhigiisa Turkiga.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...