Duqeyn cirka ah oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Gobolada Jubooyinka.

Date:

Taliska Mareykanka ee Afrika oo kaashanayo dowladda federaalka ee Soomaaliya  ayaa qaaday duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xarun ay leeyihiin al-Shabaab oo ku taal agagaarka degmada ee gobolka Jubbooyinka.

Qiimeyntii ugu horreysay ee laga soo saaro weerarkaan oo dhacay 24-ka bishaan ayaa lagu sheegay in waxyeello loo geystay dhowr maleeshiyo ah oo al-Shabaab ah, qalab ay wateen iyo xaruntii ay daganaayeen.

Taliska ayaa sidoo kale qiimeyn uu sameeyay ku sheegay in aysan jirin waxyeello soo gaartay dadka rayidka ah,waxayna intaa ku dareen in ay  socdaan dadaallo  lagu doonayo in lagu carqaladeeyo howlaha cadowga isla markaana cadaadis lagu saarayo shabakadda al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika  ayaa lagu xaqiijiyay la sii wadi doono  la shaqeeynta la-hawlgalayaasha caalamiga ah iyo kuwa Afrikaanka ah si loo hubiyo amniga muddada-dheer ee Soomaaliya ee ay ku shaqeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu ballan-qaadayaa inuu la shaqeynayo waddamada Bariga Afrika si uu gacan uga geysto damaanaqadka  xasillooni siyaasadeed, mid dhaqaale, iyo mid bulsho oo   gobolka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...