Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo xariga ka jartay Qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Laasaleeti “SAWIRRO”

Date:

Hay’adda  ACF oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dib u dhis iyo qalabeyn ku sameysay xaruntan oo ka mid noqoneysa qeybaha muhiimka ah ee Isbitaal Laasaleeti, taas oo markii hore  loogu talo galay in lagula tacaalo safmarka COVID 19,  iyadoo hadana ay u diyaarsantahay xaaladaha kale ee deg dega ah sida daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Guddoomiyaha degmadda Cabdicasiis, maamulka Isbitaalka iyo xubno ka socday Hay’adda ACF ayaa ka qeyb galay xaflad kooban oo xariga looga jarayey qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka.

Agaasimaha isbitaalka Laasaleeti Faadumo Cabdi Macow iyo Guddoomiyaha degmadda Cabdicasiis Rowdo Cabdi Cali  ayaa Wasaaradda Caafimaadka uga mahadceliyay shaqada wanaagsan oo ay ka qabteen Isbitaalka Laasaleeti oo adeegyo kala duwan u qabta bulshada.

Agaasimaha barnaamijyada ee  hay’adda ACF Maxamed Xaaji Cabdi ayaa sheegay inay sii wadi doonaan garab istaaga bahda Caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xustay  in  ay sii wadi doonaan qorshayaasha lagu horumarinayo Isbitaalka Laasaleeti iyo Isbitaalada kale ee danta guud oo ay ku xiranyihiin dadka danta yar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...