Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo xariga ka jartay Qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay Isbitaalka Laasaleeti “SAWIRRO”

Date:

Hay’adda  ACF oo kaashaneysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dib u dhis iyo qalabeyn ku sameysay xaruntan oo ka mid noqoneysa qeybaha muhiimka ah ee Isbitaal Laasaleeti, taas oo markii hore  loogu talo galay in lagula tacaalo safmarka COVID 19,  iyadoo hadana ay u diyaarsantahay xaaladaha kale ee deg dega ah sida daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Guddoomiyaha degmadda Cabdicasiis, maamulka Isbitaalka iyo xubno ka socday Hay’adda ACF ayaa ka qeyb galay xaflad kooban oo xariga looga jarayey qeybtan cusub ee lagu soo kordhiyay Isbitaalka.

Agaasimaha isbitaalka Laasaleeti Faadumo Cabdi Macow iyo Guddoomiyaha degmadda Cabdicasiis Rowdo Cabdi Cali  ayaa Wasaaradda Caafimaadka uga mahadceliyay shaqada wanaagsan oo ay ka qabteen Isbitaalka Laasaleeti oo adeegyo kala duwan u qabta bulshada.

Agaasimaha barnaamijyada ee  hay’adda ACF Maxamed Xaaji Cabdi ayaa sheegay inay sii wadi doonaan garab istaaga bahda Caafimaadka.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka  Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xustay  in  ay sii wadi doonaan qorshayaasha lagu horumarinayo Isbitaalka Laasaleeti iyo Isbitaalada kale ee danta guud oo ay ku xiranyihiin dadka danta yar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...