Guddoomiye Cumar Filish oo xariga ka jaray sheybaar lagu hubinayo tayada qalabka dhismaha+(SAWIRRO).

Date:

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxmuud Maxmed (Cumar Filish) ayaa xariga ka jaray  Sheybaar lagu hubinayo tayada  qalabka  dhismaha.

Hubinta sheybaarka ayaa waxaa looga maarmi doonaa in hubinta tayada agabka dhismaha loo qaado dalka dibadiisa iyo in la dhiso dhismayaal aan la hubin tayadooda.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa  magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxmuud Maxmed (Cumar Filish) oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in sheybaarkan uu wax badan ka badali doono dhismayaasha casriga ah ee la doonayo in laga hirgeliyo caasimadda.

“Runtii baahi weyn ayaa loo qabay in la helo sheybaar nuucaani oo kale ah, waxaana uu ka koobanyahay qeybo badan oo loogu talagalay in lagu baaro 11 nuuc oo ah agabka wax lagu dhisayo, taasi oo muujineysa in wixii hadda kadib aan dibadda loo aadi doonin in baaritaan lagu sameeyo agabyada wax lagu dhisayo” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiye Cumar ayaa ka mahadceliyay hay’addii gacan ku siisay maamulka Gobolka Banaadir hirgelinta sheybaar casri ah oo lagu baarayo tayada qalabka dhismaha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xarigga ka jaray Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho oo dib loo Casriyeeyay

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

WARSAXAAFADEED: Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo booqasho rasmi ah ku jooga Riyaadh, ayaa la kulmay dhiggiisa Sacuudiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...