Ciidanka xoogga oo bur buriyay Saldhigyo Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolka Bakool.

Date:

Howl-galkan ciidamada ururka 260-aad guutada 9-aad qeybta 60-aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen deegaannada kala ah Dhurey ,Kurta Arbasale oo hoos yimaada degmada waajid ee gobolka bakool Halkaasi oo ay ciidamada ku bur buriyeen saldhigyo dhowr ah oo kooxda nabadiidka alshabab ay ku la haayeen deegaannadaasi.

Ciidamada xoogga  oo ahaa kuwa warbixino ka haystey deegaannada ay ku Dhuumaleysanayaan kooxda nabadiidka alshabab kadib markii shacabka ay ciidamada usoo gudbiyeen dhibaatooyin badan nabadiidka ay ku hayaan dadka ku dhaqan  tuulooyinkaasi.

Labo xidigle Isaxaaq Ibrahim oo ah abaan duulaha ururka 260-aad guutada 9-Aad qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay Howl-galkan qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanno hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka bakool kuwaasi oo lagu baacsanayay kooxda nabadiidka Alshabab.

Ciidamada xoogga dalka qeybta 60-aad ayaa mudooyinkii dambe xoojinayay Howl-galada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Alshabab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Wasaaradda Howlaha Guud XFS oo dadaal ugu jirto sidii barakacayaasha guryo loogu dhisi lahaa

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...