Wasiirka howlaha guud ee XfS oo shir gudoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee wasaaradda+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-U- dhiska iyo Guriyeynta  ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali), ayaa maanta shir gudoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee wasaaradda oo lagu kala qaatay dhameystirka shaqooyinka hor yaala waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen dhammaan agaasime waaxeedyadda iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa waxaa la iskaga xog wareystay warbixino la xariira dhameystirka dib u dayactirka xarunta wasaaradda ay hadda ku shaqayso iyo qiimeyn lagu sameeyey dib u dhiska labada buundo ee Via Uganda iyo Via Tanzania ee magaaladda muqdisho.

Wasiirka wasaaradda Mudane Xil. Maxamed Aadan Macalin (Soomaali), ayaa ku bogaadiyey Injineerada wasaaradda shaqooyinka wanagsan ee ay ka qabteen howlihii loo xil saaray sida dib u dayactirka wasaaradda iyo qiimaynta ay ku sameeyeen buundooyinka.

Shirka Todobaadlaha ee wasaaradda ayaa ah mid lagu gorfeeyo isla markaana lagu dar-dargaliyo shaqada wasaaradda, kaasoo ay isugu yimaadaan wasiiradda, agaasimaha guud iyo dhammaan agaasime waaxeedyada wasaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...