Raโ€™iisul wasaare Rooble oo maanta lagu wado in uu Garowe kula kulmo Madaxda Puntland.

Date:

Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane, Maxamed Xuseen Rooble, iyo wefdi uu hoggaaminayo ,ayaa manta la filayaa in magaalada Garowe ay kulan kula yeeshaan Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee maamulkaasi.

Kulamada manta ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yhiin xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo dardargalinta howlaha la xiriira nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay.

Raโ€™iisul wasaaraha ย oo ay la socdeen xubno ka tirsan golahiisa wasiirrada iyo masโ€™uuliyiin kale oo dowladda federaalka ah,waxaa shalay ay gaareen magaalada Garowe,halkaasi oo loogu sameeyay xaflad soo dhoweyn ah.

Raโ€™iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane ย Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa socdaalkaan oo kale horey ugu tagay magaalada Beydhabo oo xarun u ah maamulka Koofur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...