Raβiisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliye Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladd Goboleedka Puntland.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka PuntlandΒ Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka koowad iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada , Saraakiisha Ciidamada iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe kusoo dhoweeyay Raβiisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Garoowe ayaa qeyb ka ahaa soo dhaweynta Raβiisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wafdiga RW Rooble ayaa loo gudbiyay Aqalka madaxtooyada Puntland halkaasi oo ay kulamadooda kowaad kula qaadan doonaan Madaxda Puntland waxaana lagu wadaa in Raβiisul wasaarahu joogi doono maalmahan soosocda.

