AMISOM oo agab Sport ugu deeqday wasaaradda dhallinyarada Jubaland+(SAWIRRO).

Date:

AMISOM ayaa qalab isboorti oo loogu talo galay dhalinyarada ciyaaraha ugu deeqday kooxaha kubada cagta ee ka jira magaalada Kismaayo.

Deeqdan oo ka kooban dharka ciyaaraha, koobab, kubbado iyo agab kale ayaa waxaa guddoomay wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada maamul goboleedka Jubbaland Cusmaan Xaaji Feyruus.

Wasiirka oo ka hadlay munaasabad deeqda lagu wareejinayay ayaa tilmaamay muhiimada ciyaaruhu u leeyihiin xoojinta midnimada,dib u heshiisiinta iyo nabada deegaanka.

Col. Samuel Musomi oo ka tirsan ciidanka AMISOM isla markaana deeqda wareejiyay ayaa sheegay in ay jirto baahi ah ka qeyb galka AMISOM arimaha horumarinta dhaqan dhaqaale ee bulshada sida taageerida dhalinyarada iyo bulshada si la isku dhax galo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...