Madaxweyne Deni: Cidii diida lacagta Shilin Soomaaliga Sharciga ayaan la tiigsaneynaa+(SAWIRRO).

Date:

Madaxwaynaha Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni aya kula hadlay guriga gobalka, waxgaradka qaybihiisa ,ganacsato ,madaxda shirkasaha isgaarsiinta iyo guddiyada ganacsatada yar ee suuqlayda ah kuwaasi oo maalmihi ugu danbeeyay muujiyay cabasho la xiriirta qaadashada shilin soomaaliga iyo sare u kac baahsan oo ku yimid qiimaha lacageed ee lagu kala badasho lacagaha qalaad.

Madaxwayne Deni oo la hadlayay bulshadaani kala duwan ayaa ku dheeraaday ka hadlida sababta keentay sare ukaca shilin soomaaliga iyo sicir bararka wada jira eeda ugu wayn ee arintaasina dusha u saaray ganacsatada waawayn ee wax soo dajiya ama dhoofiya oo uu sheegay inay yihiin kaliya faa’iido doon aan marnaba eegayn danta bulshada iyo danyarta midna.

Madaxwaynaha puntland ayaa qeexay sababta ay dowladdu u joojisay lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee ay ku qaadi jirtay canshuurta dekada boosaaso kuna tilmaamay inay tallabadaasi u qaadeen si loo yareeyo sicir bararka suuqyada puntlandna ay noqdaan kuwa isu dheeli tiran.

Madaxweyne Deni ayaa gabagabadii fariin adag u diray ganacsatada puntland gaar ahaan kuwa boosaaso sidoo kalana dowladaha hoose ee puntland ku amray inay tallaabo adag ka qaadaan cidii ka hor timaada amarada maamulka ee lagu xakamaynayo sicir bararka iyo qaadashada shilin soomaaliga.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo inta badan deegaanada puntland ay ka jirto jaha wareer baahsan oo uu abuuray diidmada ganacsatada ee shilin soomaaliga iyo sarifka oo tagay halkii ugu saraysay gudaha puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...